Ragu waxay kala yihiin :
1-| Diidiye iyo Dabbaale
Didiiyihu waa balo u joog aan wanaag shaqo ku lahayn , dabaala wa ninka wixi kala tegi laha isku keena wanaagna ka shaqeeya .
2-| waa Aayo-reeb iyo Eela-reeb
Aayo Reeb waa ninka wax wanaagsan oo la xasuusto ka taga sida raggi xeerka sameeyay oo kale , Eelo-reebna wa ninka xumaan reebka ah ee waxa xun laga dhaxlay.
3-| waa soof-eeg iyo suul-eeg
Soof-eeg ku waa degaanka ilaaliya kana ilaaliya ceebta dibadda , suul-eeguna waa ninka hoostiisa uun xumaan ka beera ee aan indheergarad. Ahayn.
4-| Waa Bogsiiye iyo Belaliye
Waa ninka meel Alla meesha ay xumaani ka dhacdo bogsiiya ee kolkaaba biyo Ku shuba , beleliye wa isku dire oo dabkuu shidaa laguna gubtaa waar ma hebel baa kiciyey masiibadan ayaa la yidhaa.
5-| waa Hedlade iyo Hurde
Hedlade wa ninka bulshada wax u tara naftiisana wax u qabta , hurdena iska daa in uu dadka wax u qabte ee naftiisi ayu cidlo dhigay.
6-| waa Xeer la joog iyo Xoolo la joog
Xeer la joog wa ninka xeerka eega gacantana ku haya xoolo la joogna wa ninka wixii loo bahdo diyaar la ah.
7-| waa Talo-keen iyo Talo-raac
Talo keen wa ninka ra'yi wanaagsan keena ee bulshada ku dhaqa waa hoggaamiye ummadeed , talo raacna wa ninka dadka wanaaga ku raaca mujtamaacana ka so horjeedsan ee diyar u ah wixi lagu taliyo labada mid un noqo .


Ajouter un commentaire
Commentaires