Abwaan Xasan Sheekh Muumin Gaafane

Publié le 2 février 2025 à 14:17

Abwaan Xasan Sheekh Muumin Alle naxariistii janno ha ka waraabiyee wuxuu ku dhashay magaalada qadiimiga ah ee Saylac waqti lagu qiyaaso sannadkii 1931-kii. Goor uu Abwaanku jiray sagaal sano ayay isaga iyo qoyskisu u guureen magaalada Boorama, waxbarashada aas-aasiga ah ee dugsiga iyo Quraankaba wuxuu ka bilaabay magaalada Boorame ee waqooyiga Soomaaliya.

Abwaan Xasan Sheekh Muumin AHUN waxa uu ka mid ahaa Suugaanyahaynka, Abwaannada ama Qaryaannada sheegan ee Soomaaliyeed ee la odhan kar heer BUUNI ayuu ka gaadhay wax curinta & kuwa ugu caanaan uguna cadcad marka laga hadlayo falsafadda curinta maansada Soomaaliyeed iyo aqoonta luxdan ee shakhsiyadda hal-abuurka ah laftarkiisa.

Abwaanka waxa aynu ka dhaxalnay oo uu inooga tegey hogatusaalayn & hal-abuur ballaadhan oo murti iyo aqoon malaasan oo mugweyn laga dugsan karo taasi oo waaraysa inta qof Soomaaliyeed adduunka ku nool yahay.

Riwaayado heer caalami u geeddi galay oo qaarkood afaf kala duwan oo qalaad lagu turjumey, heeso wada miid iyo malab ah iyo murti kale oo badan ayaa inoo dhitaysan oo Xasan Sheekh Muumin inooga tegey.

Maansada iyo riwaayadda Xasan Sheekh Muumin, Ahun, waxa loogu dhex tagaa murtida ka sokow falsafad aqooneed, siyaasadeed iyo tu bulsheed oo gaashaan-qaad ah.

Abwaan Xasan sheekh Muumin Gaafane, Ahun,wuxuu Ahaa Ruwaayadiiste, Halabuur, Qoraa, waxa uu lahaa Ruwaayado iyo heeso Aad u faro Badan Oo ay Ka mid tahay, Ruwaayaddii Soomaali Ugu Caansanayd ee SHABEEL NAAGOOD...

 

 

● 20 heesood Oo ka mid ah heesaha uu Abwaan Xasan sheekh Muumin Ahun, Curiyey iyo Fanaaniinta Ku Luuqeeysay,,

1. Laalays Dusheediyo laag iyo xaraar Dheer - Hibo Nuura

2. Macallinku waa waa maskaxdii Dunido Malaasan - Xasan A.samatar

3. Walaalaha hanuunsanoow Halkan waxad u timaaddeen caawaad naga helaysaan - Official Song - Kooxda Waabbari

4. Babbaygii jamaamiyo cambe jilib ku yaallaay - Maxamed Mooge iyo Hibo Nuura

5. Aqligii wanaagsani itaal inuu ka roon yahay - Hibo Nuura

6.Waxan nahay waadiga dugsiyada - Maxamed Mooge

7. Shimirayahow heesa halkan soo fadhiista - Kooxda Waabbari

8. Raalliyo ninkii helaa ragannimo ku faanee - Tubeec iyo Maryan Mursal

9. Ha igu dhaafin hawlaha adigaa igu dhaliyee - Cigaal iyo Maryan Mursal

10. Ilaahayoow ilaahayoow waa kugu mahad - Muusiga warka radio ku soo galo illaa hadda

11. Haye fudud habeenkaan lahaabay hubsiimadu habboonayd - Hibo Nuura

12. waa suaal da' waynoo madaxa daalinaysee - Cabdi Muxumad Amiin iyo hibo nuura

13 . Waqtigu waa hillaac ordayee - Ardayda dugsiyada

14. Idinkaa xujooboo - Cabdi Muxumud Amiin iyo Hibo Nuura.

15. Waa qaali nabadduye haddii aan qallooc jirin miyaad qiri lahaydeen - Magool, Cumar Dhuulle, Mooge iyo Maryan Mursal

16. Ma ogtahay warmoogeey inuu dunida soo maray - Cigaal iyo Maryan Mursal

17 . Dadweynahaan hanuuninaa haasaawinaa danta u hagnaa - Kooxda Waabbari.

18. Qasiidada Marxab Marxab Yaa Ramadaan...

19. Aqoon La'aani waa iftiin La'aan - C/laahi Qarshe

20. Samo Ku waar - Heesta Calanka Somaliland..

Ugu dambayn Abwaanku wuxuu Ku Geeriyooday Magaalada Oslo ee wadanka Norway Sanadkii 2008diii.

 


Ajouter un commentaire

Commentaires

Il n'y a pas encore de commentaire.